Wararka

Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Baraawe Oo Dib Loo Bilaabay(Sawiro)

Degmada Baraawe ee xarunta rasmiga ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbed ayaa waxaa maanta dib looga bilaabay dhismaha garoonka diyaaradaha oo dhowr bil ka hor loo joojiyey muran ka dhashay dhulka garoonka laga dhisayo oo qolo ay sheegatay inay iyaga leeyihiin.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Ibrahim Aadan Najax  ayaa maanta sheegay in dib loo bilaabay howlaha dhismaha garoonka isagoo sheegay in heer gabagabo uu maraayo dhimaha garoonka.

Sida mas’uuliyiinta gobolka sh/hoose ay noo sheegeen, kooxo mooryaan reer Galmudug ah ayaa markii hore horistaagay dhismaha garoonka balse haddawaa laga adkaaday mooryaantii dhibkii waday.

Hoos ka daawo Sawirada goobta laga dhisaayo garoonka diyaaradaha Baraawe iyo heerka uu maraayo:

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close