Wararka

Kooxda Alshabaab Oo Lacago Baad Ah Ku Soo Rogay Ganacsatada iyo Guryaha Magaalada Marka

Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose oo qeyb ka mid ah ay maamulaan maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab ayaa wararka aan ka heleyno waxa ay sheegayaan shacabka lagu soo rogey in bil walba ay bixiyaan dhaqaale.

Sida aan ku heleyno wararka hoose Ganacsatada dukaanleyda ee magaalada ku ganacsada ayaa waxa lagu amrey in bil walba ay dhiibaan lacag gaareysa $5 (shan doolar) oo Shabaabka ay ku sheegeen in loo adeegsan doono howlo nadaafadeed hase ahaatee sida ganacsatada ay ku andacoonayaan wax howlo nadaafadeed ah aan laga qabanin magaalada gudaheeda.

Dhinaca waxa lacago bil walba ah ayaa waxa lagu amrey in ay bixiyaan qoysaska guryaha ku leh magaalada, iyadoo lacagaha ay gaarayaan bil walba $10 (toban doolar), waxaana lacagahaas lagu sheegay in ay yihiin taakuleyn ay qaataan kooxda.

Waxa qaati laga taaganyahay dhaqanka xun ee kooxda Shabaab oo ku saleysan in ay qaataan dhaqaale xad dhaaf oo aanay awoodi karin shacabka, waxaana arimahaas aad uga xumaadey shacabka oo hadii ay ka hor yimaadaan amarada la siinayo ay ka baqdin qabaan in noloshooda wax loo dhimo.

Xigasho: Markacadey.com

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close