Wararka

Wadamada Islaamka Oo Isku Waafaqay In Bishan Ramadaan Bilaabaneyso Maalinta Khamiista Ah

Dalalka Islaamka ayaa intooda badan isku waafaqay in maalinta Khamiista ah oo ku beegan 17 bisha Maajo/May ay tahay maalinta 1aad ee bisha barakeysan ee Ramadaan iyadoo maalinta berri oo Arbaco ah ay noqoneyso dhameystirka bisha Shacbaan.

Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay in maalinta berri ay tahay 30-ka bisha Shacbaan, maalinta Khamiistana ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.

Wadamada Sacuudiga, Indonesia, Somalia, Urdun, Turkiga, Masar, Sudan, Kuwait, Qadar, Baxrain, Lubnaan iyo kuwoo kale oo badan ayaa sheegay in maalinta Khamiista ay tahay maalinta ugu horeysa bisha Ramadaan.

Sida muuqata dalalka Islaamka ayaa si wadajir ah oo aan khilaaf ku jirin maalin qura u wada soomi doona, iyadoo horay dalalka qaar ay maalmaha ciidaha iyo ramadaanka ay ku kala qeybsami jireen.

Dhammaan akhristeyaasheenna sharafta leh waxaan u rajeyheenaa in Alle waafajiyo kheyrka iyo fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close