Wararka

Hoobiyeyaal Caawa Lagu Garaacay Xaafado Ka Mid Ah Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaarayo magaalada Muqdisho ayaa ku waramaayo in caawa la maqlaayo madaafiic culus oo loo qeybinaayo degmooyin ka tirsan magaalada, waxaana si xoogan loo maqlayaa hugunka madaafiicda ee ku hoobaneysa degmooyinka qaar.

Ilaa hadda lama ogaan karo halka ay ku dhacayaan madaafiicda caawa lagu weerarey magaalada, hase ahaatee Shacabka magaalada ku dhaqan ayaa ka muujiyey cabsi xoogan, iyadoo aan la ogeyn halka madaafiicda laga soo tuuraayo.

Sidoo kale lama cadeyn karo khasaaraha rasmiga ay ee ay geysteen madaafiicda lagu tuurey degmooyinka, maadaama xilliga habeen uu yahay.

Dhinaca kale caawa fiidkii ayaa qarax loo maleenayo bam gacmeed waxa lagu weerarey guri degmada Hodon uu ka degenyahay hogaamiye kooxeed Maxamed Abuukar Jacfar oo mar soo noqdey gudoomiyaha degmada Howlwadaag.

Weerarada madaafiicda iyo qaraxa ayaa kusoo aadaya iyadoo caawa ay kow tahay bisha Barakeysan ee Ramadaan oo laga cabsi qabo in magaalada gudaheeda ay ka dhacaan weeraro iyo qaraxyo ay geystaan kooxaha nabad diidka ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close