Wararka

Madaxda Dalka Soomaaliya Oo Dhambaal Ku Aadan Bisha Ramadan U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Muslimiinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  inay is cafiyaan oo ay isku naxariistaan isla markaasina wuxuu dadka Alle hantida u dhiibay ugu baaqay inay caawiyaan dadka tabarta daran ee aan awoodin inay helaan anfaqo ku filan.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta kale ee dowladda federalka ayaa iyagana dhambaalka bisha barakeysan ee Ramadan u diray ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Islaamka.

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo gudoomiyaha Aqalka Hoose Maxamed Mursal ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta dhambaalka bisha Ramadan caawa hawada u mariyey ummadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close