Wararka

Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya Oo Digniin U Diray Mareykanka

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-Un ayaa maanta oo Arbaca ah baajiyey kulan lagu waday inuu dalka Singapore kula yeesho madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed.

Dhoolatus Milateri oo ay si wadajir u sameynayaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ayaa la sheegay inuu aad uga carooday hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya.

Kim Jong-Un oo digniin u dirayo Mareykanka ayaa sheegay in dhoolatuskan militari ee ay sameenayaan ciidamada cirka ee Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay khatar ku keenayaan wadahadaladii dhawaan bilowday ee sadex-geesoodka ahaa.

Digniinta Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu micneeyey in hadii dhoolatuska militari ee noocaan ah ay sii wadaan Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay sidoo kale baajin doonaan kulankii lagu waday inuu dhexmaro Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo madaxeyne Kim Jong-Un.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close