Wararka

Taliska Ciidamada Somaliland Ayaa Soo Bandhigay Gaadiid Dagaal Ay Ku Qabsadeen Dagaalkii Shaley Ka Dhacay Deegaanka Turke-raq(Video)

Taliska ciidamada Somaliland ayaa soo bandhigtay todobo ka tirsan gaadiidka dagaalka oo ay sheegeen inay ku qabsadeen dagaal shaley deegaanka Tuke-raq ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Warar madax banaan oo laga helayo dadka deegaanka Tuke-raq ayaa sheegaayo in ciidamada Puntland ay shaley ku soo dhowaadeen deegaanka Tuke-raq balse maanta subaxdii hore ay dib ugu laabteen aag 10 KM u jirto Tukeraq oo sahley ay ka soo dhaqaaqeen.

Dhanka kale, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Saleebaan Gaal, Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Ciise Xawar iyo Taliyaha guud ee ciidanka Milateriga Somaliland Nuux Taani oo ay galbinaayeen ciidamo aad u tiro badan ayaa maanta gaarey deegaanka Tuke-raq halkaasoo ay kula hadleen ciidamadii Somaliland ee shaley dagaalka la galay ciidamada Puntland.

Hoos ka daawo

Related Articles

1 thought on “Taliska Ciidamada Somaliland Ayaa Soo Bandhigay Gaadiid Dagaal Ay Ku Qabsadeen Dagaalkii Shaley Ka Dhacay Deegaanka Turke-raq(Video)”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close