Wararka

Dad Ku Dhintay Wadada Isku Xirto Degmooyinka Boosaaso Iyo Qardho Kadib Markii Daadad Xoog Leh Ay Qaadeen Gaarigii Ay Ku Safraayeen

Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Daadad biyo xoog leh wato ay  qaadeen afar qof dhalinyaro oo gaari watay kuwaasi oo ku safraayey wadada isku xirto degmooyinka Qardho iyo Boosaaso.

Labo ka mid ah dhalinyarada ayaa la xaqiijiyey inay geeriyoodeen iyadoo labada kale la helay iyagoo nool oo caafimaad qabo.

Wadada isku xirto Qardho iyo Boosaaso waxaa ku yaallo togag/dooxo waaweyn oo aan la mari karin xiliyada ay daadadka ku soo rogmadaan, waxay daadadkan ka soo burqadaan deegaano fog oo ay ka mid yihiin dooxooyinka gobolada Sanaag iyo Togdheer.

Waxaa lagu jiraa xiliga Gu’ga oo roobab xoog leh ay ka da’ayaan gobolada dalka Somalia oo aan lahaynin buundooyin iyo biyo xireeno si looga hortago in biyaha Wabiga iyo roobabka ay ku soo fakadaan wadooyinka iyo magaalooyinka la degan yahay.

Warbixin digniin ah oo ay soo saartay hey’adda FAO ee qaramada midoobey ayaa shaley lagu sheegay in dabeylo iyo duufaano xoog leh ay ku soo wajahan yihiin xeebaha gobolada Somaliland iyo Puntland.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close