Wararka

Puntland Oo Shaacisay Inay Dagaal Waqti Dheer Socon Doono La Galeyso Somaliland (War-saxaafadeed)

Kulan deg deg ah oo ay maanta yeesheen Golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland isla markaasina uu shir guddoominaayey Madaxweynana Puntland Cabdiwali Gaas ayaa lagu shaaciyey in Puntland ay dagaal dheer la galeyso Somaliland.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa golahiisa Wasiirada uga warbixiyey natiijada shirkii maamul goboleedyada Somalia ay ku yeesheen magaalada Baydhabo, wuxuu Dr. C/weli Gaas in shirka Baydhabo uu guul ku soo dhamaaday.

 

Siyaasiyiin reer Puntland oo isku diyaarinaayo doorashooyinka madaxtinimada Puntland ayaa aminsan in dagaalka uu xiligan iclaaminaayo madaxweyne C/weli Gaas ay tahay olole uu ku doonaayo inuu markale xilka madaxtinimada Puntland qabto maadaama 5tii sano uu xilka haayey uusan ka hadlin muranka dhul ee Puntland kala dhexeeyo Somaliland.

 

Hoos ka akhriso warmurtiyeed laga soo saaray shirkan:

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close