Wararka

Duqa Magaalada Muqdisho Oo Amray In La Burburiyo Dhul Dowladda Leedahay Oo Ay Dhisteen Ganacsato(Sawiro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yarisow ayaa maanta amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee ku yaallo boosteejada Ceelgaabta ee degmada Xamarweyne. 

 “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud. Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah.” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka Banaadir Eng. Yariisow.

Dhulka Piazza Libera ayaa ah dhul Danta Guud, gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Thabit Cabdi ayaa ganacsato qaraabo ay yihiin siiyey dhulkaan taasi oo muran xoog leh ka dhex dhalisay madaxda dowladda.

Gudoommiye Eng. Yarisow ayaa sidoo kale digniin u diray dhammaan dadka degan guryaha iyo dhulka Danta Guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda, wuxuuna ku amray dadkaasi inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sharciga la marinaayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close