Wararka

Dagaal Culus oo manta Ka Dhacay Gobolka Sool … Wararkii U danbeeyay….

Wararka inaga soo gaaraya Aagga Tukaraq ayaa sheegaya in Halkaasi uu dagaal ka dhacay gaar ahaan Deegaanka Kormaraame.

Gobolka Sool oo Sanadihii udambeeyey Colaad ay hareysay udhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ayaa dagaal mar kale uu maanta gelinkii hore ka dhacay.

Xogta la helayo waxay sheegayaan in la isku adeegsaday hubka kala duwan khasaarana uu jiro inkastoo tirada la ogeyn.

Ciidamada Puntland waxay sheegeen inay Gacanta ku dhigeen Kormaraame,hase ahaatee Xaaladu ay tahay iminka mid cakiran.

Ilaa hadda maamulka Soomaaliland war kasoo baxay ma jiraan oo ku aadan dagaalkaasi ka dhacay Kormaraame oo aheyd meel Ciidankooda kusugnaayeen.

Wixii kasoo kordho dib kala socda insha allaah

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Open

Close
Close