Dekedda Kismaayo Oo Laga Bilaabay Dhoofinta Sisinta Iyo Liinta


Dekedda magaalada Kismaayo waxa ay kamid tahay halboowleyaasha dhaqaale ee Dowladda Jubbaland, waxaana halkan kasoo dega shixnado ganacsi

oo kala duwan oo ka yimaada dalka dibadiisa, halka taas badalkeeda laga dhoofiyo qaar kamid ah wax soo saarka dalka.

Dalagyadan laga dhoofinaayo dekedda Kismaayo ayaa loo iibgeeyaa wadamada Khaliijka, waxaana dhoofiya ganacsato Soomaaliyeed oo ka tirsan rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ee JCCI.

Gudoomiye ku­xigeenka Rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland Mukhtaar Sheekh Axmed ayaa ka warbixinayey dalagyada ay ka dhofiyaan dekedda Kismaayo iyo sida ay u socoto howsha. Isagoo dhinaca kale sheegay in dhawaan dekedda Kismaayo uu ka bilaaban doono dhoofka xoolaha nool.

Deegaanada Jubaland oo caan ku ah beerashada iyo xoolaha isla­markaana uu maro webiga Jubba oo ah webiga ugu ballaran dalka ayaa waxaa mudooyinkii u danbeeyay laga dareemayay in ay kasoo kabaneyso bur­burkii saameeyay xilliyadii ay socdeen dagaallada sokeeye.

Axmed Xaaji Aadan waa maareeyaha dekedda Kismaayo waxaa uu ka warbixinayey waxyaalaha ka dhoofa dekedda, isagoo dhinaca kale ugu baaqay dadka beeraleeyda ah in ay kordhiyaan wax soo saarkooda kana faa’ideystaan fursadaha shaqo ee ay heleen.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here