Video: Cali Khaliif Galeyr Oo Sheegay In Farmaajo Uu Madaxweyne U Yahay Xamar, Wuxuuna Digniin U Diray Puntland

Maalmo ka hor waxaa magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Djibouti ka furmay Wadahadal u dhexeeyo hogaamiyeyaasha Somaliland iyo Khaatumo kaasi

oo garwadeen uu ka yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Iyadoo shaley la soo gabagabeeyey wajiga 1aad ee wadahadalka ayey dhinacyadii wadahadalada u socdeen waxay ka hadleen natiijada kulamadooda iyagoo ku balamay in markale iskugu imaan doonaan isla magaalada Jabuuti 20-ka bisha Marso ee foodda nagu soo hayso.

Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr oo hadlayey wadahadalada kadib ayaa digniin kulul u diray maamulka Puntland oo uu ku eedeeyey inay faragelin ku hayaan deegaanada Khaatumo isagoo sheegay in Puntland si qaldan u adeegsaneyso Abtirsiimada.

Mr. Galeyr isagoo ka hadlaayey damaashaadkii Soomaalida Koonfureed maalmihii la soo dhaafay u sameynayeen madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuusan garaneyn qaab uu ugu damaashaado isla markaasina Farmaajo uu madaxweyne ka yahay Xamar oo ay haboon tahay inuu halkaasi soo hagaajiyo.

Hogaamiyaha khaatumo ayaa aad uga carooday maleeshiyaad daacad u ah Puntland oo maalmo ka hor isaga ka horjoogsaday inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha degmada Buuhoodle xiligaasoo uu u socdaalayey dalka Jabuuti. Cali Kaliif ayey dhacdadani ku khasabtay inuu safar dhulka ah ku tago magaalada Hargeysa kadibna uga sii gudbay dalka Jabuuti.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here