Sawiro: Maxkamad Ku Taalo Puntland Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay 7 Wiil Oo Lagu Soo Eedeeyey Dilal Qorsheysan (Akhriso Magacyada)

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada Puntland ee magaalada Boosaaso ayaa Maanta Xukun adag ku riday 7 dhalinyaro

 oo lagu soo eedeeyey inay ka dambeeyeen dilal loo geystay madax ka tirsan Puntland.

Dhalinyarada 7-da oo dhammaantood maxkamadda ku xukuntay dil toogasho ah ayaa waxaa lagu tuhmay dilalkii dhowaan magaalada Boosaaso loogu geystay agaasimihii madaxtooyada Bosaso, taliye ku xigeenkii 2aad ee ciidanka booliska Puntlandiyo xeer ilaaliyiihii maxkamada ciidamada.

Eedeysaneyaasha dilkan toogashada ah ayaa ah dhalinyaro Soomaaliyeed, waxayna intooda badan ka soo jeedaan deegaanada Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1aad C/fataax Xaaji Aadan ayaa maxkamadda ka horsheegay shegay in wiilashan dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah.

Xeer Ilaalinta maxkamadda ma soo bandhigin daliil cad marka laga reebo hadal qirasho ah oo loo maleynaayo in Jirdil looga keenay dhalinyarada. Sidoo kale, Ma jirin qareeno loo qabtay oo difaacayey dhalinyarada toogashada lagu xukumay.

Magacyada dhalinyarada dilka lagu xukumay, masawiradooda iyo da’dooda hoos ka akhriso:

  1. Nuuradiin Axmed samatar Deerow – 20 sano jir
  2. Ayuub yaasin cabdi -32 sano jir
  3. Cali Ismaaciil cali Cali gaab – 20 sano jir
  4. Xasan Aadan Xasan Maxamed – 22 sano jir
  5. Cabdixakiin Maxamed Aways – 24 sano jir
  6. Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud – 17 sano jir
  7. Daa uud siciid sahal – 18 sano jir

xukun dil Puntland xukun dil Puntland1 xukun dil Puntland2 xukun dil Puntland3 xukun dil Puntland4 xukun dil Puntland5 xukun dil Puntland6 xukun dil Puntland7 xukun dil Puntland8

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here