Wiil Arday Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Xabsi Ku Yaalo Dalka Masar(Akhriso Magaciisa)

Waxaa xabsiga magaalada Nasr ee dalka Masar ku geeriyooday wiil Soomaali ah oo ciidamada dalka Masar ay xireen 40 maalin ka

hor isagoo la fadhiyo dhalinyaro Soomaali ah.

Ciise Axmed oo ah wiilka geeriyooday ayaa arday ka ahaa Jaamacad ku taalo magaalada Khartoum ee dalka Sudan, wuxuu Ciise Axmed safar arimo caafimaad la xiriiro u aaday dalka Masar, waxaa laga qabtay isagoo la joogo dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku shaah cabaayey meel maqaayad ah.

C/xakiim Jaamac oo ay qaraabo yihiin Ciise Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in walaalkiisa uu u yimid dalka Masar si uu iskaga daaweeyo xanuun dhanka Wadnaha ah oo uu muddo la ildarnaa, waxaana AUN Ciise lala xiray dhalinyaro Soomaali oo tiradooda gaareyso 20 ruux iyagoo fadiyey maqaaxi ay iskugu yimaadaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Masar.

C/xakiim Jaamaca oo u waramaayey Wakaaladda Wararka Rassd ayaa sheegay in dhowr jeer xabsiga ku booqdeen Ciise si ay u siiyaan dawo kaalmaati ahayd balse ciidamada ilaalada xabsiga ayaa diideen in daawada la gaarsiiyo Ciise. Waxaa uu C/xakiim sheegay in geerida Ciise lagu soo wargeliyey mudo bil iyo bar kaidb (45 maalin). Geerida kadib, waxaa uu sheegay C/xakiim inuu la xiriiray Safaaradda Soomaaliya balse safaaradda wey ka gaabisay inay waajibkeeda ka gudato dowladda Masar isla markaasina wax u qabato ehelka Marxuumka.

Dowladda Masar ee uu xiligan hogaankeeda hayo C/fataax Al-Sisi ayaa si kala sooc la’aan u beegsaneyso dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan kuwaasoo sifo sharciga dalkaasi waafaqsan ku joogo Masar.

Meydka marxuum Ciise Axmed oo ahaa arday dhiganayey Jaamacadda Khartoum ee dalka Suda ayaa lagu wadaa in loo dhoofiyo dalka Soomaaliya si halkaasi loogu aaso.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here