Xildhibaan Ka Tirsan Aqalka Hoose Ee Baarlamaanka Federalka Oo Muqdisho Ku Geeriyooday

Mudane ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Saciid  Xasan Geedi oo ka tirsanaa mudaneyaasha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa habeenimadii xalay ku geeriyooday Isbitaalka Recep Tayyip Erdogan (Ex Dikfeer) ee magaalada Muqdisho.

Mudane Saciid  Xasan Geedi ayaa maalmihii u dambeeyey ku  xanuunsanaa magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu doortay Muqdisho ee ka soo jeeday Gobolada Somaliland, waa halkii xildhibaan ee ka habsaamay Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee 8-dii Bishan lagu doortay Maxamed C/laahi Farmaajo.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku hadlaayey afka xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa ka tacsiyeeyay geerida Marxuum Siciid Xasan Geedi.

Waa xildhibaankii 2aad ee sanadkaan ka geeriyooday Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyadoo xildhibaan kale uu horey ugu geeriyooday degmada Garoowe ee gobolka Nugaal.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here