Cutubyo Cusub Oo Ka Tirsan Ciidamada AMISOM Oo Muqdisho Soo Gaaray

Cutubyo cusub oo ka tirsan ciidamada AMISOM ayaa maanta soo gaaray magaalada  ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Qaybtan cusub ee AMISOM ayaa ka socdo dowladda Burundi, waxayna bedelayaan guutada 34-aad ee ciidamada dalka Burundi ee ku howlgalo magaca AMISOM.

Taliyaha ciidanka cusub General Leonidas Nsingirankabo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay dardar gelin doonaan howlgalka isla markaasina wax ka bedeli doonaan Ammaanka dalka iyo kartida howlgalka AMISOM.

Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa muddo 8 sano ka badan ku sugan dalka Soomaaliya, waxaana la rumeysan yahay in kartida ay kula dagaalamayaan Alshabaab ay aad u liidato.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here