Dhageyso Gudiga Gurmadka Abaaraha Heer Federal Oo Dhaqaale Loogu Talo Galay Shacabka K/Galbeed Ku Wareejiyey Gudiga Gurmadka Abaaraha K/Galbeed

Gudiga gurmadka Abaaraha heer Federal ayaa 150 kun dollar ($150,000) ku wareejiyey maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Dhaqaalahaa ayaa loogu talo galay in wax looga qabto abaaraha ba’an ee ka jiro 3da gobol ee uu ka arimiyo maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee kala ah: Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Gudiga Gurmadka Abaaraha K/Galbeed ayaa gudoomay dhaqaalahan islamarkaasina balanqaaday in la gaarsiin doono shacabka dhibaateysan ee ku dhacan 3da gobol ee maamulka Koonfur Galbeed ka kooban yahay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here