Sawiro: Meydka Madaxweynihii Hore Ee Puntland Oo Goordhow Laga Soo Dejiyey Garoonka Diyaaradaha Boosaaso

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso laga soo dejiyay meydka madaxweynihii hore ee Puntland Gen

Cadde Muuse Xirsi oo usbuucii hore ku geeriyooday dalka Imaraadka.

Markii la soo dejiyey meydka, Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland ayaa salaan sharaf siiyay marxuumka, iyadoo kooxda bambaydana ay u garaaceen heestii astaanka Calanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji cumar iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray garoonka diyaaradaha Boosaaso.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saakey ka soo dhoofay magaaladda Muqdisho si ay uga qayb galaan aaska marxuum Gen Cadde Muuse.

Alle ha u naxariiste Gen Cadde Muuse Xirsi ayaa ku geeriyooday magaalada Duabai 8-dii bisha February xiligaasoo Soomaaliya ay yeelatay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Meydka Cade Muuse Meydka Cade Muuse1 Meydka Cade Muuse0 Meydka Cade Muuse3

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here