Ciidamada Ammaanka Somaliland Ayaa Xabsiga U Taxaabay Wariye C/Maalik Muuse Coldoon Oo Maanta Muqdisho Ka Soo Laabtay

Waxaa maanta xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa loo taxaabay Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo maalmihii ugu dambeeyey

ku sugnaa magaalada Muqdisho isla markaasina todobaadkii hore si aad ah ugu ololeeyey madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

C/Maalik Muuse Coldoon ayaa maanta laga qabtay garoonka diyaaradaha Egal International Airport oo ay ku sugaayeen ciidamada ammaanka Somaliland kuwaasoo markuu soo degay la aaday xabsiga dhexe.

Iskaga kala gooshidda Xamar iyo Hargeysa ee uu waayahan dambe sameynaayey Wariye C/maalik Muuse Coldoon ayey xukuumadda Somaliland waxay u arkeysaa arintan mid dhaawacayso qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland.

Ma ahan markii ugu horeysay ee wariye C/maalik Muuse Coldoon la xiro, sanadkii hore ayaa sidan oo kale xabsiga loo taxaabay kadib markii C/Maalik uu baraha bulshada ku baahiyey Muuqaallo la xiriirtay ilmo yar oo inta la qalay kadibna dhiigga laga cabay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here