Doon Xamuul Siday Oo Ku Wajahneyd Dekedda Degmada Hobyo Oo Badda Ku Quustay

Doon xamuul ah oo u rarneyd ganacsato Soomaali ah islamarkaana la sheegay inay kusoo wajahneyd degmada Hobyo ee gobolka

Mudug ayaa ku degtay Xeebaha dalka Cumaan.

C/fitaax Xuseen Sheekh oo kamid ah ganacsatada iska lahaa xamuulka doontan ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in la badbaadiyey dadkii saarnaa doonidan, balse dhammaan hantidii saarneyd ay quustay.

Roobab dabeylo watay oo ka da’aayey Badweynta Hindiya ayaa waxay sabab u noqdeen inay doontaan ganacsi ku degto badda dhexdeeda, diyaarad Helicopter ah oo kormeereysay markab weyn oo ganacsi isla markaasina ka agdhowaa goobta doonta ku degtay ayaa badbaadisay shaqaalaha doontii degtay saarnaa.

Ganacsadahan ayaa sidoo  kale inoo sheegay in doonidan waxyaabaha ay wadday ay u badnaayeen gaadiid, waxaana khasaaraha hanta ee halkaasi ka dhashay uu ku sheegay iney gaareyso 2 Milyan oo doolar.

Cabdifataax oo ka mid ahaa ganacsatada doonidaan u rarneyd ayaa yiri “Aniga waxaan kamid ahaa ganacsatadii u rarneyd doonidan, waxaa saarnaa alaab u badan gaadiid, xalay ayaa si lama filaan ah waxaa ku dhuftay roob xooggan oo dabeylo watay, mowjado ayaana ku kacay” .

Doonta ganacsi ee ku degtay badda Cummaan ayaa ku soo wajahneyd dekedda Hobyo oo dhowaan maamulka Galmudug ay ku dhawaaqeen inay howlgeliyeen.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here