Prof. Cali Maxamed Geedi Oo Safka Hore Uga Jiro Shakhsiyaadka U Hanqal Taagayo Qabashada Xilka Ra’iisulwasaaraha Cusub Ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada latashiyo xooggan

oo ku aadan qofka noqonaya ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Sida ku cad Dastuurka JFS, Madaxweynaha waxa uu haystaa muddo 30 maalmood ah kadib marka xilka loo dhaariyo in uu ku soo magacaabo Ra’iisulwasaare haddii aan baarlamaanku xiliga u kordhin.

Iyadoo ay jiraan Aqoonyahanno badan oo karti leh balse marka la eego habka awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed ee aan dastuuriga ahayn ayaa waxaa la garanayaa beesha Ra’iisulwasaaraha cusub uu ka imaanayo, maadaama dalka Soomaaliya aanu lahayn nidaamka Xisbiyada markaas oo xisbiga guuleystaa uu qaadanayo xilka Ra’iisulwasaaraha.

Siyaasi Cali Maxamed Geedi oo horey dalka ka soo noqday Ra’iisulwasaare ayaa ka mid ah magacyada safka hore ku jira in ay qabtaan xilka Ra’iisulwasaare ee xiligan maran, waxaana uu olole ka dhexwadaa Xildhibaanada iyo weliba siyaasiyiinta kale ee isaga ku dhaw.

Siyaasiyiin iyo qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u arka Prof Cali Maxamed Geedi nin dheelitir u sameyn kara siyaasadda cusub ee dalku qaadey. Siyaasiyiin kale oo badan isla markaasina ka soo horjeeda in xilkaas Cali Geedi loo magacaabo ayaa jira kuwaas oo ku sababenaya xiriirka uu la wadaago dalalka deriska gaar ahaan Itoobiya oo ciidamo xooggan Soomaaliya soo gelisey xiligii hore ee uu ahaa ra’iisulwasaaraha.

Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa waxaa Ra’iisulwasaare u magacaabey Madaxweynihii hore ee DKMG Cabdulaahi Yusuf sanadkii 2004, waxa uu ahaa magac siyaasadda Soomaaliya ku cusub balse karti fiican ayuu muujiyey isagoo dowladdii xiligaan jirtay dejiyey degmada Jowhar.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here