Madaxweyne Farmaajo Oo Si Rasmi Ah Maanta Ula Wareegay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay

kaddib xaflad kooban oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweynihii hore Xasan Culusow ayaa ku soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo ku wareejiyey xafiiska dalka laga maamulo, wuxuu Farmaajo si rasmi ah u bilaabayaa howshiisa.

Maalinta 22-ka bishan Febraayo ayaa lagu wadaa in lMuqdisho agu qabto munaasabada calleemo-saarka madaxweyne Farmaajo oo la filayo in ay ka soo qeyb-gallaan wafuud heer caalami ah.

Ugu danbeyntii, la wareegista xafiiska ee madaxweynaha cusub ayaa ka dhigan in maanta uu si rasmi ah u bilaabayo howlihii shaqo ee Qaranka, madaama tan iyo markii la doortay 8dii bishan uu si KMG ugu sii sugnaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here