Madaxweyne Farmaajo Oo Warqad Casuumad U Diray Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta (Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta dhambaal udiray dhiggiisa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Fariinta uu madaxweyne Farmaajo u diray dhiggiisa Kenya ayaa waxaa gaarsiiyey kusimaha wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Dr. C/salaan Hadliye.

Dhanka kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu dhambaal ka helay madaxweynaha cusub ee doladda Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la aminsan yahay inuu Casuumad udiray Uhuru Kenyatta si uu uga soo qeybgalo xaflada caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee Somalia taas oo ku beegan 22-ka Bishan.

Madaxweyne Kenyatta ayaa la sheegay inuu aqblay casuumaada uuna kasoo qeybgeli doono xaflada.

Dowlada Kenya ayaan u hambalyaynin madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed Cabdulaahi Farmaajo markii uu ku guuleystay tartankii doorashada.

Hadliye Hadliye1 Hadliye2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here