Madaxweyne Farmaajo Ayaa Ka Hadlay Mowqifkiisa Ku Aadan Joogitaanka Ciidamada AMISOM Ee Soomaaliya

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ka hadlay qorshahiisa ku aadan ciidamada AMISOM,

waxuuna shaaca ka qaaday in Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay sii joogi doonaan Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbadeynaayey shaley ayaa u mahadceliyay Ciidamada AMISOM, sida ay u garab istaageen shacabka Soomaaliya, waxuuna madaxweyne Farmaajo tilmaamay in Dagaal Xoogan ay la galeen Xarakada Al Shabaab.

Waxuu madaxweyne Farmaajo carabka ku dhuftay in Ciidamada Nabad Ilaalada u jooga Dalka Soomaaliya ay baxi doonaan goortii isku filnaasho gaaraan oo ay tababar ku filan qaataan Ciidamada Xooga si ay ula wareegaan amaanka guud ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hadalkan waxaa uu sheegay munaasabaddii Shalay uu sida rasmiga ah kula wareegayey Xafiiska Villa Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here