Shixnad Raashiin Gargaar Ah Oo Ka Timid Dowladda Kuweyt Ayaa Laga Dejiyey Magaalada Berbera (Video)

Diyaarad weyn oo siday Raashin gargaar ah oo ka timid dalka Kuweyt ayaa ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Berbera ee Somaliland.

Raashinkan gargaarka ah oo noocyo kala duwan leh ayaa loogu talo galay in lagu caawiyo dadka abaaraha saameeyeen ee ku dhaqan degmada Berbera iyo hareeraheeda.

Mas’uuliyiinta magaalada Berbera ayaa Amiirka dowladda Kuweyt uga mahadceliyey gargaarka ay u soo direen walaalahooda.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here