Qarax Dad Badan Ay Ku Geeriyoodeen Oo Maanta Ka Dhacay Xaafadda Kaawo Godey Ee Magaalada Muqdisho

Wararka laga helaayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw halkaasi uu ka dhacay qarax Khasaare badan geystay.

Qarax ayaa ka dhacay suuq laga dukaameysto oo ku yaallo Xaafadda Kaawo Godey ee ku taalo bariga degmada Wadajir, waxaana la sheegayaa in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa ay ka buuxaan.

Waxaa la xaqiijiyey in dad gaarayo 10 ruux ay ku geeriyoodeen qaraxaasi iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Dadka ku dhintay qaraxan oo dhammaantooda ayaanan ilaa hadda la ogeyn bartilmaameedkiisa inuu meeshaasi ahaa iyo inuu meel kale ahaa.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugidda dowladda Federalka ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay gaaray waxayna baaritaan ka wadaan guryaha ka agdhow goobta uu qaraxa ka dhacay.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here