Wabiga Shabeelle Oo Markale Qalalay Iyo Tuhunka Laga Qabo Biyo Xireenada Itoobiya Oo Xoogeystay (Sawiro)

Qoysas badan oo kunool deegaanada uu maro wabiga Shabeelle ayaa waxaa xiligaan soo foodsaaray biyo la,aantii ugu darneyd ee soo marta mudo ka badan 30 ano.

Beeraleyda gobolka Shabeelaha Hoose oo beerashadooda ay ku tiirsan tahay biyaha wabiga ayaa aad uga niyad jabsan tacbashada beeraha oo waayahan dambe biyo la’aan baahsan la soo daristay.

Dhammaan gobolada iyo deegaanada uu maro wabi Shabeelle ayaa waxaa laga soo sheegay in wabiga uu go’an yahay muddo ka badan hal bil iyadoo sanadkii hore sidaan oo kale wabiga Shabeelle uu guray.

Waxaa jiro tuhunno laga qabo Biyo-xireenno dowladda Itoobiya ka sameysay dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya taasoo la aminsan yahay inay sababtay biyo la’aanta wabiyada Soomaaliya maro.

Wabia Wabia2 Wabiga1

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here