Dhageyso Nabadoon Caawa Gurigiisa Lagu Dhex Dilay Magaalada Muqdisho

Dabley ayaa Caawa Fiidkii waxa ay qeybo kamid ah degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir ku dileen Nabdoon Caan ka ahaa degamdaas.

Nabdoonka la dilay oo lagu magacaabo Cabdi Cumar Ibraahim ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa Gurigiisa oo ku yaalo isla degamda Xamar-Jajab kadib markii ay ugu galeen.

Kooxihii ka dambeysay dilka Nabadoonka ayaa goobta isaga baxsaday, waxana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Maamulka degmada Xamar-jajab kuwaas oo baaritaano ka sameeyay in kastoo aan weli soo qaban cidii ka dambeysay dilkaas.

Wasiirka Haweenka Soomaaliya Muumino Sheekh Cumar oo ay ehelo ahaayeen ayaan ka warbixisay marxuumka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here