Hay’adda Lacagta Aduunka IMF Oo Shaacisay In Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya Ay Maalgeshi Ku Sameynayaan Bankiyo Laga Leeyahay Leeyahay Dalka Kenya

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyey la hadal haayey in dowladda Soomaaliya ay daabacaneyso Lacag cusub oo lagu bedelaayo lacagta halka kun (1000 Sh. So.)

ee ah midka kaliya ee xiligan ka shaqeeynayo dalka Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Adduunka ayaa Bankiga dhexe ee Soomaaliya ku cadaadineysa in ay maalgashi ku sameeyaan bangiyo kale oo wadamo shisheeye laga leeyahay, waxayna arrintani shuruud u tahay in IMF ay bixiso qarashka lagu daabacayo shilin Soomaali cusub oo ay tahay in sanadkan gudihiisa suuqa la soo geliyo.

Sida uu sheegey sarkaalka IMF u qaabilsan Soomaaliya Samba Thiam  , Bangiga Dhexe ee Soomaaliya awood uma lahan in uu qabto dhammaan adeegyadii loo baahnaa, waxayna tahay in la aqbalo in bangiyo kale ay maalgashi ku sameeyaan bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Bankiyada doonaya in ay maalgeshi ku sameeyaan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isla markaasina soo codsaday waxaa ka mid ah labo banki oo ku yaala Kenya kuwaas oo kala ah KCB (Kenya Central Bank) iyo Commercial Bank of Africa.

Ma la garanaayo sida qorshahan saameyn ugu  yeelan karo madaxbanaanida iyo qaranimada dalka iyo sida looga difaaci karo xogta maaliyadeed ee dalka haddii bangiyo shisheeye ay faraha la galaan bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa lagu qiyasay 60 malyan oo doolar inay ku kacayso lacagta cusub ee lasoo daabacayo, taasi oo la filayo in ay bixiso hey’adda lacagta adduunka(IMF).

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here