Madaxweyne Farmaajo Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa caawa Villa Somalia ku qaabiley madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweye Axmed Madoobe ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeybgalo xafladda caleemo-saarka madaxweyne Farmaajo oo lagu wado in ay dhacdo 22-da bishan Febraayo oo ku beegan maalinta Arbacada ah.

Axmed Madoobe ayaa ahaa mas’uulkii ugu horeeyey maamul goboleedyada ee u hambalyeeyey Farmaajo daqiiqado uun kadib markii natiijada lagu dhawaaqay.

Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu xasuustaa inuu ahaa mas’uulkii faro-galintii ugu yareyd ku yeeshey doorashadii dhacday, isaga oo xildhibaanada markasta ugu baaqayay in ay dalka samatobixiyaan, isbadal dhab ahna u keenaan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here