Bandhigga Buugaagta Kismaayo (Kismaayo Book Fair) Oo Si Rasmi Ah Uga Furmay Magaalada Kismaayo (Sawiro)

Waxaa markii ugu horeyseyburburkii dalka kadib magaalada Kismaayo lagu qabanayaa bandhigga buugaagta (Kismayo Book Fair),

wuxuuna furmay maanta oo ku beegan maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo.

Bandhigga Buugaagta Kismaayo ayaa waxaa iska kaashanayo qabashadiisa Naadiga Akhriska iyo Qoraalka (NAQ) iyo Shirkadda daabacda buugaagta ee SCANSOM.

Maxamed Sheekh Xasan oo ah qoraa iyo mulkiilaha shirkadda SCANSOM, degena dalka Canada ayaa sheegey in uu horey usoo qabtay wax ka badan 50 bandhig, islamarkaasina shirkadiisa daabacday buugaag aad u badan, fursadna u tahay in bandhigani ay ku qabato magaalada Kismaayo, kadib bandhigii guusha ku dhamaaday ee magaalada Garoowe sanadkii hore.

Guddoomiyaha Naadiga NAQ Xasan Maxamuud Qorane oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo waxaa uu sheegey in bandhiggan looga gol leeyahay in illeyska aqoonta lagu ifiyo magaalada Kismaayo, lana soo bandhigo kartida qorista, curinta iyo aqoonta waxgaradka degada Kismaayo.

Qoraa-yaal caan ah ayaa lagu wadaa inay buugaag cusub ku soo bandhigaan si ay u dhiiri geliyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee hammigooda ku jiro inay wax qoraan.

Bandhigga ayaa waxaa boggaadiyey madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo golihiisa wasiirada.

Kismayo Book Fair Kismayo Book Fair0 Kismayo Book Fair1 Kismayo Book Fair2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here