Danjirihii Ruushka U Fadhiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey Oo Geeriyoday

Danjirihii dalka Ruushka u fadhiyey Qaramada Midoobay Vitaly Churkin ayaa si kadis ah ugu geeriyooday isbitaal kuyaala dalka Mareykanka.

Waxaa geeerida safiirka xaqiijiyay Wasaarada Arimaha Dibadda ee dowlada Ruushka. Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin ayaa ka tacsiyeeyay geerida danjiraha isagoo ku tilmaamay inuu ahaa rug cadaa iyo diblomaasi u soo halgamay dalka Ruushka.

Danjire Vitaly Churkin ayaa la sheegay inuu xanuun ku soo booday isagoo ku sugan xafiiskiisa kadibna loola cararay isbitaalka Columbia Presbyterian Hospital halkaasna uu ku fargaday.

Vitaly Churkin ayey dowladda Ruushka u soo magacowday qaramada midoobay bishii May ee sanadkii 2016, waxaana si weyn loogu xasuustaa in codka diidmada qayaxan ku difaacay danaha Ruushka ee dalka Suuriya.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here