Dowladda Ingiriiska Oo Bixineyso Dhaqaalaha Lagu Dhisaayo Xero Lagu Tababari Doono Ciidamo Milateri Dhab Ah Oo Soomaali Yeelato (Sawiro + Video)

Dalka Ingiriiska ayaa balanqaaday inay bixinayaan kharashka ku baxaya dhismaha xero militari oo dhawaan la furi doono taasoo lagu

tababarayo ciidanka militariga Somalia.

Dhismaha iyo tababarka waxaa fulin doona Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Somalia (AMISOM). Madaxda howlgalka AMISOM ayaa isla gartay in xarunta cusub ee tababarka laga dhiso duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Wafdi uu horkacayo taliyaha ugu sareeyo ciidamada AMISOM General Subagle ayaa booqasho ku tagay goobta laga dhisayo xarunta cusub.

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaan xiligan lahayn wax ciidan oo lagu tilmaami karo Milateri marka laga reebo maleeshiyo beeleed dharka tuutaha loo geliyey oo iyaga sheegto Xoogga Dalka inay yihiin.

Hoos ka daawo General Subagle iyo saraakiisha AMISOM ee sahminaayo halka laga furaayo xeradan cusub.

UK and AMISOM UK and AMISOM1 UK and AMISOM2

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here