Dowladda Nigeria Oo Dacawo Ka Dhan Ah Dalka South Africa U Gudbisay Ururka Midowga Africa (AU)

Dowlada alka Nigeria ayaa ururka Midowga Afrika ka codsatay in ururku wax ka qabto dilalka ku saleysan  naceybka ee dalka South Afrika loogu gaysanyo

muwaadiniinta u dhashay dalka Nigeria iyo kuwa dalalka kale ee ka soo jeedo wadamada qaaradda Africa.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweyne Mamadou Buhari isla markaasina loo diray ururka Midowga Afrika ayaa ururka looga codsatay inuu faragelin deg deg ah ku sameeyo dilaka ka socda dalka South Africa.

Qoraalkan oo uu ku saxiixnaa la taliyaha madaxweynaha ee arimaha dibada Abike Dabiri-Erewa ayaa lagu sheegay in 116 qog oo udhashay Nigeria lagu dilay South Africa oo 20 kamid ah la dilay sanadkii la soo dhaafay ee 2016.

Abike Dabiri-Erewa waxa uu sheegay in arintani ay tahay mid aysan aqbali karin shacabka iyo xukuuadda dalka Nigeria.

Dalka South Afrika waxaa ku nool in ka badan 8 boqol kun oo ah muwaadhiniin u dhashay dalka Nigeria kuwaasoo ganacsiyo waaweyn ku leh magaalooyinka South Africa gaar ahaan magaalada Johannesburg

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here