Meydadka 74 Qof Ayaa Laga Helay Xeebta Magaalada Al-Zaawiya Ee Waqooyiga Dalka Liibiya (Sawiro)

Hay’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in Meydad gaarayo 74 qof laga helay xeebta magaalada al-Zawiya ee galbeedka dalka Libya, waxaa la aaminsan yahay

in dadkan dhintay ay ahaayeen tahriibayaal.

Afhayeen ka tirsan Bisha Cas oo Warbaahinta u waramay hay’adda Bisha Cas ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in meydadka la helay subaxnimadii maanta ee talaadada ah, iyaga oo badda soo tuftey, ma cadda ayuu yiri halka doontii ay la socdeen ay ku degtey iyo xiliga ay degtey.

Maamulka magaalada al-Zawiya ee dalka Libya ayaa la sheegay in ay meydadka u qaadeen magaalada Tripoli si la isugu dayo in la aqoonsado meydadkooda.

Tahriibeyaal badan oo Soomaali ah ayaa weli ku sugan xeebaha dalka Libya, mana la yaqaan in ay ka mid yihiin dadka meydkooda la helay iyo in kale.

Libya1 Libya2 Libya3 Libya4

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here