Akhriso Nuxurka Khudbaddii Madaxweyne Farmaajo Maanta Uu Ka Jeediyey Xafladda Caleemo-saarka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaaj ayaa maanta si rasmi ah loo caleema saarey,

Waxaa xafladda Caleemo-saarka ka soo qayb galay hoggaamiyasha maamul goboleedyada Soomaaliya, madaxda dalalka deriska iyo wakiilo ka socda beesha caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa jeediyey khudbad uu ugu talo galay munaasabadda caleemo-saarka, waxaa labada dhinac ka taagnaa markii uu khudbada jeedinaayey labadii Madaxweyne ee isaga xafiiska kaga horeeyey, waxaana uu madaxweyne Farmaajo si qiiro leh uga hadley shaqada hortaala culeyska ay leedahay, howlaha isaga laga doonayo iyo wadashaqeynta uu shacabka Soomaaliyeed ka doonaayo inay la qabtaan.

Nuxurka Khudbada madaxweyne Farmaajo ayaa lagu soo koobi karaa arimaha soo socdo:

  1. Sugidda Amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo goobaha dowladda ay maamusho.
  2. Wax-ka-qabashada Abaaraha iyo Macluusha ka jirto gobolada dalka
  3. Soo afjaridda colaadda beelaha iyo dhameystirka dib u heshiisiinta
  4. Dib u soo nooleynta kalsoonida shacabka maadaama dowladdii hore ay shacabka qaarkooda u gacan bidxeysay.
  5. Xoojinta xiriirka arimaha dibadda
  6. Hoos u dhigidda heerka faqriga ama saboolnimada iyadoo dhaqaalaha la kobcinaayo
  7. Hagidda Mustaqbalka iyo awooda dhallinyarada Soomaaliyeed
  8. Koolkoolinta iyo xoojinta nidaamka Federaalka

Madaxweyne Farmaajo ayaa qodobada kor ku xusan si fiican u turxaan bixiyey isagoo mid mid u dul istaagay qodobadan xasaasiga ah.

Mar uu madaxweynaha soo hadal qaaday dhanka ciidammada ayuu sheegay in dowladiisa ay xaqiijin doonto Mushaharaadka ciidamada inay si sax ah u heleen iyo inaysan helin.

Dhanka kale, madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay dhamaan wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya gaar ahaan dalalka ciidamada ku tabarrucay howlgalka AMISOM isagoo khudbadiisa ku sheegay inay Soomaaliya darteeda naftooda u hureen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si qoto dheer uga hadlay wax-ka-qabashada Musuq-maasqua ragaadiyey dowladdii isaga ka horeysay, waxaana uu ballan qaadey in uu wax ka qaban doono Musuq maasuqa ka dhexjiro hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa berri oo khamiis lagu wadaa inuu safarkiisii ugu horeeyey u duulo dalka Sucuudiga, wuxuu kulamo la qaadan doonaa Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here