Madaafiic Khasaaro Geystay Oo Galabta Ku Dhacday Xaafadda Ka Tirsan Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho

Dhowr gantaal oo aan la garaneynin halka laga soo tuuray ayaa galabta lagu weeraray xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu soo waramayaa inuu jiro dhaawacyo ah oo soo gaaray caruur iyo dad waaweyn oo gurigooda madfac ku soo dhacay.

Gantaaladan oo u muuqday in hadafkooda uu ahaa garoonka garoonka diyaaradaha Muqdisho oo maanta ay ka soo degayeen wufuud caalami ah oo ka qeyb galaysay caleemo saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madfac kale oo ku dhacay guri dhismo uu ku socday ayaa waxaa ku dhaawacmay shaqaale garab rarato ah oo dhismaha ka shaqeynaayey. Dhamaan dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaas waxaa la dhigay xarumaha Caafimaadka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Todobaadkan horaantiisa ayaa Qarax weyn oo ka dhacay isla degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay in ka badan 35 ruux halka dhaawacana uu kor u dhaafayey 50 qof.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here