Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Oo Magacaabay Ra’iisulwasaare Cusub

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed C/lahi Farmaajo ayaa magacaabay raisul wasaare u magacaabay Xasan Cali Khayre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa boggiisa Twitterka ku xaqijiyey magacaabista raisul wasaaraha cusub.

War qoraal ah oo uu madaxweynaha soo dhigay ayaa lagu xaqiijiyey magacaabista Ra’iisulwasaaraha cusub.

“Waxaan xilka Ra’isul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus, Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Khayre

Xasan Cali Kheyre oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Soomaaliya ayaa ah nin dhalinyaro laga filan karo karti iyo howlkarnimo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saakey u dhoofay dalka sacuudiga.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here