Booliiska Dalka Malaysia Oo Shaaciyey Suntii Lagu Dilay Kim Jong-nam Oo Ahaa Walaalka Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya

Saraakiisha Booliska dalka Malaysia ayaa sheegay natiijada baaritaan ay ku hayeen dilkii nin la dhashay hogaamiyaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-un oo lagu dilay dalka Malaysia.

Taliyaha Booliiska dalka maleysia General Khalid Abubakar ayaa warbaahinta u sheegay in dilka Kim Jong Namn  loo adeegsaday sunta loo yaqaano VX nerve agent oo ah Sun halis ah oo Qaramada Midoobey ay caalamka ka mamnuucday.

General Khalid Abubakar waxa uu sheegay in laba ruux oo haweeney ah loo qabtay dilka Kim Jong-nam, haweenka dilka ku eedeysan ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Kuala Lumpur.

Taliyaha waxaa uu sheegay in labadan dumar ay sunta gacmaha soo marsadeen kadibna wajiga ka mariyeen Kim Jong Nam oo ahaa walaal la dhashay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya. Baaritaan lagu sameeyey meydka Kim Jong nam ayaa laga helay suntan.

Saraakiisha ammaanka dalka Malaysia ayaa Booliska Aduunka ee Interpol ka codsaday inay baartaan ku sameeyaan 4 dumar ah oo lagu tuhunsanyahay dilka Kim Jong-nam.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here