Dowladda Sacuudiga Oo Kabeyso Miisaaniyadda Dowladda Federalka Soomaaliya Iyo Balan-qaadyo Muhiim Ah (Akhriso)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo oo safar ugu maqnaa dalka Sacuudiga ayaa maanta

dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu kulan la soo qaatay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal-suge, wuxuu madaxweyne Farmaajo sheegay inuu  Sacuudiga ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Sida uu madaxweyne Farmaajo sheegay, qorsheyaasha Dowladda Federaalka hor dhigtay Sacuudiga ayaa kala ahaa:

1. in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda.
2. In Sacuudiga uu Soomaaliya u dhiso xarumo cusub oo ay hay’adaha dowladda ku shaqeeyaan.
3. In Sacuudiga u dhiso Soomaaliya Garoon diyaaradeed oo cusub.
4. In Sacuudiga ka qaybqaato dib u dhiska waddooyinka laamigaa ah ee isku xira magaalooyinka dalka Soomaaliya iyo
5. In Sacuudiga dib u hawlgeliyo safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Dowladda Sacuudiga ayaa balanqaaday inay fulineyso dhammaan qorsheyaasha dib u dhiska ee ay ka aqbashay dowladda Soomaaliya.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here