Qalalaaso Siyaasadeed Oo Hareeyey Maamul Goboleedyada Puntland, K/Galbeed, GalMuug Iyo HirShabeelle Kadib Doorashadii Madaxeyne Farmaajo

Maamul goboleedyada Soomaaliya gaar ahaan Puntland, GalMudug, K/Galbeed iyo HirShabeelle ayaa marti gelinaayo jahowareer

iyo qalalaase siyaasadeed tan iyo markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Qalalaasaha ugu daran ayaa waxay ka dhacayaan Puntland iyo Koonfur Galbeed iyadoo siyaasiyiinta deegaanada labadaas maamul ay doonayaan in isbedel ku dhaco hogaamiyeyaasha C/weli Gaas iyo Shariif Xasan oo labada maamul kala hogaaminaayo.

Waxaa maanta is casiley agaasimihii madaxtooyada Puntland Deeq Suleeymaan, waxaa sidoo kale shir jaraa’id qabtay wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire kaasi oo si weyn u dhaliiley xukuumadda Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in hoos u dhac uu ku yimid Kalsoonidii iyo Himaladii ay Bulshada ka qabtey Xukuumada Madaxweyne Gaas,isagoona Xusay in Amnigii faraha uu ka baxay,dhaq dhaqaaqii ganacsiga Puntland u mugdi galay.

Dhinaca kale, waxaa xasrado ba’an ay ka dhex jirtaa maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed ay go’aansadeen inay xilka ka tuuraan Shariif Xasan oo ay ku tilmaameen mid ku tuntay sharciyaddii ay degsadeen shacabka Koonfur Galbeed.

Shariif Xasan oo aan looga baranin inuu warbaahinta ka sheego dhibaatooyinka sida gaarka ah u haysto ayaa maalmo ka hor carabaabay inay jiraan dad mucaaradsan siyaasaddiia isagoo wadahal ugu baaqay ragga ay is hayaan.

Sidoo kale, xildhhibaanada maamulka GalMudug ayaa marhore ku dhawaaqay inay xilka ka xayuubiyeen madaxweynaha maamulkaas C/kariin Xuseen Guuleed oo ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan, arintan ayaa dhalisay mowjado khilaafaat oo ilaa hadda ka taagan magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Xasradahan soo shaacbaxay waxa ay qeyb ka yihiin xasilooni dari siyaasadeed oo ay galayaan maamul goboleedyada Soomaaliya gaar ahaan Puntland, GalMudug iyo K/Galbeed tan iyo markii la doortey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here