Dowladda Soomaaliya Oo Canshuur Dheeraad Ah Ku Soo Rogtay Qaadka Kenya Iyo Cabasho Ka Soo Yeertay Ganacsatada Qaadka Kenya

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay ganacsatada dalka soo geliso maandooriyaha Qaadka ee laga keeno dalka Kenya.

Talaabadan oo u muuqato mid loo qaaday dhanka wanaagsan ayaa waxaa soo dhoweeyey waxgaradka koonfurta Soomaaliya.

Wax badan ma lagu kordhinin canshuurta qaadka, markii hore halkii kiilo ee qaadka ah waxaa lagu canshuurayey $3 doolar, balse hadda waxaa lagu kordhiyey nus doolar oo ka dhigan in Kiilaha qaadka lagu canshuurayo $3.5 .

Qanacsatada Qaadka ee Kenya ayaa waxay cabasho ka muujiyeen kordhinta Canshuurta, kuwaasi oo muddo 3 maalmood ah hakiyey qaadkii Muqdisho loo soo dhoofin jirey si dowladda u cadaadiyaan.

Waxaa la rajeynaa in arintan wax ka bedeli doonto xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya iyadoo madaxda dowladda Kenya lagu bartay inaysan ixtiraamin ganacsiga Soomaalida kala dhexeeyo oo uu Qaadka ugu horeeyo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here