Gabar Kaligeeda Muslim Ka Ahayd Shaqaalaha Aqalka Cad Ee Mareykanka Ayaa Shaqada Ka Tagtay (Sawiro)

Gabar Muslim American ah oo ahayd kuxigeenka Madaxa Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad ee dalka Mareykanka looga arimiyo ayaa shaacisay inay shaqadeeda ka tagtay.

Waxay ahayd qofka kaliya ee Muslimka ah ee ka shaqeynaayey Aqalka Cad(White House).

Rumana Ahmed waa gabar asal ahaan ka soo jeedo dalka Bangaladesh balse ku dhalatay dalka Mareykanka, waxay sheegtay inay ixtiraam iyo dhiirigelin haysan jirtay xiligii madaxweyne Barack Obama joogay Aqalka Cad.

Wargeyska The Atlantic ee ka soo baxo dalka Mareykanka oo soo xiganaayo Rumana Ahmed ayaa daabacay in gabadhan ay shaqada ka tagtay kadib markii cadaadis ay la kulantay isla markaasina Donald Trump uu dalka Mareykanka ka mamnuucay muwaadhintiinta 7 dal oo Muslim ah.

Rumana Ahmed ayaa sheegtay inay isku dayday in shaqadeeda Aqalka Cad ay sii wadato balse ay u dulqaadan weysay aflagaada iyo hadalada Donald Trump, 8 maalin kadib ayey Rumana ka tagtay shaqadeeda aqalka Cad.

Aabaha dhalay Rumana Ahmed ayaa sanadkii 1978 u soo haajiray dalka Mareykanka xiligaasoo Rumana aanay weli dhalanin.

Rumana Ahmed1 rumana ahmed2 Rumana Ahmed

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here