Ra’iisulwasaaraha Magacaaban Ee Dowladda Federalka Ayaa Maanta La Kulmay Xildhibaanada Beesha Uu Ka Soo Jeedo Ee Hawiye(Sawiro)

Raiisul wasaaraha dhowaan la magacaabay ee dowladda Federalka Xasan Kheyre ayaa maanta kulan la qaatay xildhibaanada Labada

Aqal ee Baarlamanka Federalka kuwaasi oo ka soo jeedo beesha Hawiye.

Sida uu qabo nidaamka beelaha ee Soomaalida ku dhaqmeysay sanadihii la soo dhaafay, Ra’iisulwasaare Xasan Kheyre waa inuu marka hore helo kalsoonida xildhibaanada beeshiisa kadibna uu raadiyo kalsoonida xildhibaanada beelaha kale taasoo inta badan ku qotomeyso in laaluush la siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu dhowaan Ra’iisulwasaaraha Xasan Kheyre horgeynayaa xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federalka si ay u kalsoonida u siiyaan.

Kulanka maanta waxaa soo xaadiray ilaa 55 xildhibaan, waxayna dhammaantooda Xasan Kheyre u muujiyeen inay taageersan yihiin.

RW Kheyre RW Kheyre1 RW Kheyre2 RW Kheyre3

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here