Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Laga Helaayo Dabkii Maanta Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho (Video)

Waxaa faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeysaaa dab khasaare hantiydeed iyo mid nafeed geystay oo subaxnimadii saakey ka kacay qeybo

ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen dabka, kuwaasoo waardiye ka haayay goobaha ganacsi ee uu dabka ku baahay, waxaana ilaa iyo hada la ogaanin inta ay la egtahay hantida ku bur burtay.

Wuxuu dabka ka bilowday dhismaha lagu magacaabo Khaliifah oo ay ku dhex yaalaan dhowr dukaamo ganacsi, waxaana kaddib uu ku baahay qeybo badan oo Suuqa Bakaaraha ka tirsan.

Sadex saac oo uu gubanaayey Suuqa kadib ayey gawaarida dab damiska ee sida gaarka ah loo leeyahay u suurta gashay inay damiyaan dabka Suuqa.

Taliyaha Booliska dowladda Federalka Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa u tacsiyadeeyay ehelkii dadkii dhintay iyo kuwa ku hanti beelay dabka ka kacay suuqa.

Gen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in la furi doono jidadka waa weyn ee Suuqa Bakaaraha dhexmaro, si hadii dab ka kaco suuqa ay baabuurta dab damiska ugu suurta gasho inay galaan.

Ma la garanaayo waxa sababay dabka ka kacay Suuqa iyadoo dhowrkii sano ee u la soo dhaafay ay soo noq-noqonaysay gubashada Suuqa Bakaaraha.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here