Madaxweyne Farmaajo Oo Boqortooyada Sacuudiga U Gudbiyey Ashtako Ka Dhan Ah Dowladda Imaaraatka Carabta

Wararka laga helayo ilo ku dhowdhow madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegaya in

madaxweynaha uu ashtako ka dhan ah dowladda Imaaraatka carabta u gudbiyey Boqortooyada Sucuudga.

Ashtakada madaxweyne Farmaajo ayaa la xiriirto Saldhiiga Milteri ee magaalada Berbera ay ka sameysaneyso dowladda Imaraadka Carabta.

Socdaal dhowaan uu Farmaajo ku tagay dalka Sacuudiga ayaa dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudiga ahna Wasiirka Gaashaandhigga Amiir Maxamed bin Salamaan bin Ccabdicasiis kaga dalbadey in ay kala shaqeeyaan sidii Imaaraadka looga dhaadhicin lahaa in ay joojiyaan howlaha ay ka wadaan magaalada Berbera ee Somaliland.

Madaxeeyne Farmaajo ayaa sheegay in Imaaraadka ay yihin dal saaxiibo dhaw ah laakiin arrimahaas ay ka horeyso wax badan oo gudaha Soomaaliya laga qabto oo ay ugu horeyso dhamaystirka wadahadalada u socdey Dowlasdda Dhexe ee dalka iyo maamulka Somaliland.

Saldhigga Imaaraatka ka sameysanaayo magaalada Berbera ayaa sidoo kale muran xooggan ka dhex dhaliyey gudaha Somaliland waxaana Xildhibaanada la horgeeyey qoraal Soomaali ah oo u dhigan sida war-muriyeed lamana horgeyn heshiiska oo dhamaytiran ama saxiixan, waxaana lagu ansixiyey fadhi muran iyo buuq ku dhamaadey.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here