Xiliga Uu Furmaayo Kalfadhiga 1aad Ee Baarlamaanka Federalka Oo Lagu Dhawaaqay

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shaaciyey xiliga

uu furmaayo kalfadhiga 1aad ee Baarlamaanka Federalka.

Jawaari ayaa xildhhibaanada Aqalka Hoose ugu baaqay inay isu diyaariyaan kalfadhiga baarlamaanka oo furmi doono 01/03/2017 oo ku beegan maalinta Arbacada ah ee soo socota.

“Waxaan ku wargelinayaa Jaalleyaasha Golaha Shacabka in ay u diyaar noqdaan furitaanka Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka oo si rasmi ah u furmi doono maalinta arbacada ah ee ay taariikhda tahay 01/03/2017, sidaas darteed waxaa Xildhibaannada Golaha Shacabka laga doonayaa dhammaantoda inay diyaar ku noqdaan maalintaas xarunta Golaha Shacabka, saacadda markey tahay sagaalka subaxnimo(09:00am).

Maalinta arbacada ayaa lagu wadaa in kalfadhiga 1aad ee Baarlaaanka Federalka uu daahfuro madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here