Nin Darawal Ah Oo Goordhow Lagu Dilay Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose

Waxaa goordhow bartamaha magaaada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay nin darawal ah oo gaari ka soo kaxeeyey deegaanka

Shalambood ee duleedka degmada Marka.

Marxuumka oo lagu dilay Shirkadda Hormuud horteeda ayaa waxaa dilkiisa geystay kooxo Mooryaan ah oo shirkadda Hormuud ay ku biisho gudaha degmada Marka.

Magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaan xiligan lahayn wax maamul ah oo shaqeynaayo iyadoo gabi ahaan ay xiran yihiin xaruntii dowladda Hoose iyo Saldhigga Booliiska degmada Marka.

 

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here