Dowladda Yahuudda Oo Wado Qorshe Lagu Kala Qaybinaayey Masjid Al-Aqsa

Wararka ka imaanayo dhulka Falastiin ee Yahuudda xoogga ku haysato ayaa sheegayo in xukuumadda Yahuudda ay maalmahaan

dambe Masjidka Al-Aqsa ay ka wado qorsheyaal gurracan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa ka digay talaabo ay Israel ku doonayso inay ku kala qeybiso Masjid Al-Aqsa si dadka Yuhuuda loogu helo boos ay ku cibaadeystaan.

Dowladda Israel ayaa la sheegay in Masjidka ka dhex sameeyeen qol muraayad ka sameysan kaaso oo ay ugu tala gashay in dadka Israel ku cibaadeystaan.

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa sheegay in Israel ay doonayso in Masjidka ay qol uga dhex sameyso dadka Yuhuuda oo aanan xaq ulahayn inay faraha la soo galaan Masjid Al-Aqsa.

Talaabada ay  dolwadda Yahuudda ay ka wado dhulka reer Falastiin gaar ahaan magaalada Qudus ayey dowladaha Islaamka ku tilmaameen mid khatar ku ah taariikhda Islaamka.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here